Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii degaya Donald Trump ayaa hoggaaminaya Bannaanbax ay taageerayaashiisa uga soo horjeedaan natiijada Doorashada Madaxweynaha oo uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden.
Isagoo la hadlayey taageerayaal gaaraya kumanaan ayuu sheegay in doorashada looga shubtay, isla markaana loo adeegsaday xirfado codadka looga xaday, isagoo ku dooday inuu isagu guuleysan lahaa haddii aan codadka laga xadin.
Trump ayaa si weyn u weerarray qaar ka mida mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga oo uu ku tilmaamay kuwo daciif ah oo aan lahayn geesinimo ku filan oo ay uga hor yimaadaan khaladaadka ka dhacay Doorashada.
Madaxweyne Trump oo xilkiisu ku egyahay 20-ka bishan Janaayo 2021 ayaa culeys ku saaraya Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga inay diidaan natiijada Doorashada Madaxweynaha ee Joe Biden, iyadoo meel marinta Golaha Wakiilada iyo Senete-ka ay kaliya ahayd mid sharafeed ayey hadda u muuqataa mid la siyaasadeeyay.
Trump ayaa caddeeyay inuu bannaanbaxa hoggaaminayo, ayna tegi doonaan xarunta Koongareeska kulanku uga socdo labada Gole si ay taageero u siiyaan xubnaha jamhuuriga ee ka hortegaya in la meelmariyo guusha Joe Biden.
Waa isku daygii ugu danbeeyay ee Trump uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo Doorashada looga adkaaday isagoo diiday inuu aqoonsado natiijada Doorashada Madaxweyne ee uu kusoo baxay Joe Biden, inkastoo aanu waxba ka bedeli karin.
Ciidamada Amniga iyo taageerayaasha Donald Trump ayaa isku fara saaray bannaanba Aqalka Koongareeska ee fadhiga laabda Gole ka socdo, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladu kasii darto.


