Iyadoo ay socoto tirinta codadka doorashadii Mareykanka ka dhacday ayaa waxaa soo baxaya natiijooyinka doorashada gobollada kala duwan.
Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan inuu horeeyo Donald codadka loo yaqaan electoral college oo qofka ku guuleysanaya madaxweynaha Mareykanka laga doonayo inuu helo 270.
Gobolka muhiimka ah ee Ohio ayaa goor dhoweyd la sheegay inuu ku guuleystay Donald Trump, gobolkan oo ah mid muhiim ah ee lagu loolamo, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu Donald Trump ku guuleysato North Carolina.
Clinton ayaa horumar weyn ka gaartay Gobolka weyn ee Florida oo keligiis leh 55 cod leh taasoo xoojisay niyadda taageerayaasha Clinton, dagaalka aqalka Cad loogu jiro ayaa cad
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu adkeyd, uguna xamaasadda badneyd oo si weyn u kala qeybisay dadweynaha Mareykanka.
Donald Trump ayaa mar kale ku guuleystay gobollada lagu loolamo ee kala saara musharixiinta aqalka cad, wuxuuna goor dhoweyd ku guuleystay Gobolka waqooyiga Carolina isagoo helay codadkiisa gaarya 15 cod.
Saadaasha gobollada muhiimka ah waxaa ku horeeya Donald Trump, marka laga reebo Pennsylvania oo Hillary ku horeyso.
Gobolka muhiimka ah ee Florida iyo cadadkiisa gaaraya 25 waxaa helay musharaxa Jamhuuriga Donald Trumpt, halka Hillary ay heshay Gobolka Washington oo leh 12 cod.
Donald Trump ayaa ku guuleystay Gobolka Georgia oo leh codad dhan 16, isagoo hogaanka sii dheereystay, waxana muuqata inay rajadiisa aqalka cad soo dhowaaneyso.
Tartanku ayaa u janjeersaday dhinaca Donald Trump oo ku sii dhowaanaya aqalka cad, waxaana la filayaa Goboladii ugu danbeeyay ee xaqiijin doona guusha aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka.
Gobollada la isku hayo ee muhiim u ah doorashada ayaa intooda badan waxaa ku horeeya Donald Trump, waxaana la la leeyahay haddii aanay wax kale dhicin sida natiijooyinku u muuqdaan in taariikh cusub ay qormi doonto dalka Mareykanka.
Taageerayaasha Hillary Clinton ee ku sugnaa xarunta doorashada ee Hillary ayaa laga dareemay murugo oo qaarkood ay bilaabeen inay ooyaan, halka xarunta Donald Trump ay ka socoto dabaaldeg iyo farxad.
Donald Trump ayaa waxaa u harsan 26 cod oo qura inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka isagoo weliba ku horeeya afar gobol oo muhiim ah, taasoo shaki la’aan ka dhigtay inuu noqon doono madaxweynaha cusub ee Mareykanka qof aan weligiis siyaasi noqon isla markaana xafiis dowladeed qaban.
Gobolka sida weyn loogu loolamay ee Pennsylvania, ayaa waxaa hadda ku guuleystay Donald Trump isagoo helay 20 cod oo electrol vote ah, taasoo ka dhigaysa inuu 6 cod u jiro aqalka cad sida ay baahisay wakaalada wararka AP.
Madaxa Ololaha dooashada Hillary Clinton ninka lagu magacaabo John Podesta ayaa hadda la hadlay taageerayaasha oo ku sugnaa xarunta isagoo u sheegay in habeenkan dheer ay wax badan qabteen, codeynta socotana ay isha ku hayaan, isla markaana aanay Clinton tegi doonin caawa hoolka taageerayaasha ku sugnaayeen, wuxuuna u mahad celiyay taageerada iyo codka ay siiyeen Hillary Clinton.
Donald Trump ayaa yimid xarunta taageerayaashiisa ee magaalada New York halkasoo la filayo inuu ka jeediyo khudbadiisa guusha.
Isla iminka waxaa soo baxay natiijadii codbixinta ee Winscosin waxayna hadda codadkiisa gaareen 277, inkastoo si rasmi ah loo sugayo natiijada Pennsylvania.
DEGDEG: Hillary Clinton ayaa goor dhoweyd telefoonka kula hadashay musharaxa xisbiga Jamhuuriga, iyadoo ugu hambalyeysay guusha uu gaaray, waxayna sidaasi ku qiratay in looga guuleystay doorashadaii Mareykanka.
Waxaa hadda xarunta doorashada ee New York ka hadlaya madaxweyne ku xigeenka la doortay, waxaana goor dhow la hadli doona madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.
Madaxweynaha al doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa khudbadiisii guusha uga hadlay dadaalkii dheeraa ee uu soo maray, waxaana uu sheegay inuu mar kale ka dhigi doono dal weyn.
“Waxaan telefoon ka helay Hillary Clinton waxay annaga noogu hambalyeysay guusha aan gaarnay, anigana waxaan ugu hambalyeeyay sida weyn ee ay ololaha doorashada ugu dagaalantay,” ayuu yiri Donald Trump.
Wuxuu dadka Mareykanka ugu baaqay inay midoobaan oo ay meel iska dhigaan kala qeybsanaantii, isagoo sheegay inuu madaxweyne u yahay Mareykanka oo dhan una adeegi doono dadka oo dhan oo ay ku jiraan kuwa laga tiro badan yahay.
KHARIIDADA DOORASHADA MAREYKANKA
DHAMMAAD
DEGDEG: Donald Trump oo loo doortay Madaxweynaha Mareykanka 2017-2020