Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, qeybteeda 60-aad ayaa Dil toogasho ah mar kale ku fulisay askar ka tirsan ciidamada NISA iyo Booliska oo hore loogu xukumay Dil toogasho ah, markii lagu helay Dil ula kacan ah.
Waxaa saaka Magaalada Baydhaba lagu toogtay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow oo Booliska ka tirsan, kaasoo hore u dilay qof shacab ah, sanadkii 2019 iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsan ciidamada NISA oo isna sanadkii 2019 u dilay qof shacab ah.
Aroornimadii saakay ayaa lagu fuliyey Dil toogasho ah oo ka dhacay Cara-tuurka Magaalada Baydhabo, iyadoo ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ee Magaalada Baydhabo.
Laba askari oo sanadkii 2018 Dil lagu xukumay ayaa sidoo kale shalay lagu fuliyay toogashada, waxaana magaalada Baydhaba ay ka mid tahay magaalooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dilaan dadka shacabka ah.