Friday, December 8, 2023

Tiro badan oo Alshabaab looga dilay Xawaadley iyo Gaadiid Dagaal oo laga soo celiyay

Howlgal rogaal celin ah oo dagaal ayey ciidamada dowladda ku qaadeen shalay duleedka degaanka Xawaadley, kadib weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ee degaanka Xawaadley oo qasaare badan ka dhashay.

War kasoo baxay Taliska ciidamada dowladda ayaa lagu xaqiijiyey in ilaa 49 ka tirsan maleesjiyada Khawaarijta Alshabaab lagu dilay, tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan waxaa si wadajira u fuliyey Ciidanka Xoogga Dalka, dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka, waxaan lagu beegsaday Maleeshiyo abaabul ka waay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Ad

Warka ayaa lagu sheegay in Alshabaab degaanka Dhagaxow u yaalleen dhaawacyo badan, kuwaas. oo la dhammeystiray, sida lagu sheegay warka ay faafisay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal asakari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay inta uu socday weerarka rogaalceinta, iyadoo uu dhaawac soo gaara saddex kale oo ka tirsan ciidamada Qaranka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON