Wednesday, February 19, 2025

Tifaftirihii Telefishanka Dowladda Somalia ee SNTV oo xilka iska casilay (Akhriso sababta dhalisay)

Tifaftirihii Telefishanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu isaga tegay xilkaasi, iskana casilay, kadib markii ay ka hor timid caqabad uu ka shaqeyn waayey.

Qoraalkii is-casilaadiisa ayuu Feyal Muuse Maxamed ku sheegay inuu xilkaasi uga tegay is-faham la’aan shaqo, isagoo aan faahfaahin ka bixin, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya inay is qabteen agaasimaha Telefishanka Salaad Dharaar oo isku dhacoodu keenay inuu xilka ka tago.

Muddo saacad ka badan markii Tifaftiraha Telefishanka dowladda uu shaaciyey inuu xilka iska casilay ayaa wakaaladda wararka SONNA waxay qortay in xilka laga qaaday.

Ad

Agaasimaha Wasaaradda Warfaafina C/raxmaan Al-cadaalla oo qoraal soo saray ayaa sheegay inay qoraalka shaqo qorista gabdhaha loo qaadayo shaqada Telefishanka ay iska qoreen Agaasimaha Telefishanka iyo Tifaftiraha, iyadoo Tifaftiraha uu ku daray qoraal aan la isla ogeyn, isaguna uu khaladkiisa qirtay; sidaasina xilka looga qaaday.

AKHRISO QORAALKA IS-CADILAADDA



AKHRISO QORAALKA XIL-KA QAADISTA

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON