Agaasime ku-xigeenkii Goobjoog Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalintii labaad u xiran Madaxtooyada dowladda Soomaaliya ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Sida ya shaacisay Warbaahinta Goobjoog C/casiis Gurbiye ayaa loo gudbiyay Xabsiga Dhexe, kadib markii la geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Qareenadiisa ay gudbiyeen Gal dacwadeedkiisa, waxaana dib loo dhigay kiiskiisa, iyadoo sharci ahaan ay tahay muddo 48 saacadood ah lagu soo taago Maxkamad.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Dacwadda weriyaha qaadeysa ayaa la filayaa in Berri la hor keeno, iyadoo ay uu soo dacweeyay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dacwadda ku soo oogaya xeer ilaalinta Qaranka oo ku qoraalkii lagu xalaaleyay xarigiisa kusoo qortay inuu ku eedeysan yahay qodobka 220-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kaasoo ku saabsan meel ka dhac loo geysto Heybadda iyo Sharafta Madaxweynaha Qaranka.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Weriye Gurbiye lagu heysto dacwad shaqsi ah oo kala dhaxeysa Xafiiska Madaxweynaha, kadib markii qoraal ku soo qoray bartiisa Facebook uu ku sheegay in Mishiinka Neefta Oxgeyn-ka ah siiya bukaannada oo la geeyay Isbitaalka Martiini uu qaatay Madaxweyne Farmaajo.