Tuesday, September 10, 2024

Telefishanka Dowladda oo War kasoo saaray sababtii loo baahin waayey khudbadii Sheekh Shariif

Telefishanka Dowladda Federaalka Soomaaliya SNTV ayaa war kasoo saaray sababtii keenay in la baahin waayo hadaljeedintii Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee Golaha Baarlamaanka.

Qoraalka SNTV kasoo baxay ayaa lagu yiri: “Shaley oo taariikhdu ahayd 19 bisha February waxaa Telefishanka Qaranka uu si toos ah u soo tebinayey kulanka Baarlamanka ka socda. Waxaa intii tebintaasi tooska ah ay socotey Telefishanka la soo gudboonaadey cilad farsamo oo dhinaca internetka ah , taas oo hakad ku keentay tebintii tooska ahayd”.

Maamulka Telefishanka Qaranka Soomaaliya (SNTV) ayaa sheegay inuu u taagan yahay u adeegidda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed , iyadoo aan loo eegin kala duwanaansho siyaadasadeed iyo fikir toona.

Ad

Shalay ayey ahayd markii si weyn baraha bulshada loogu dhaliilay in TV-ga Qaranka laga baahin waayo hadal jeedintii Sheekh Shariif oo hadda ka mida mucaaradka ugu weyn dowladda Xasan Sheekh.

Arrintan waxaa si weyn u xoojiyey kooxda Farmaajo, waxaana markii danbe ka hadlay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay dhowaan uu soo baxayey isbaheysi dhex maray Sheeh Shariif iyo Farmaajo.

Ma cadda sida loogu qanci karo jawaabta maamulka SNTV oo dad badan ay is weydiiyeen sida cilada uu sheegay ay kaliya u saameyn karto hadal jeedintii Sheekh Shariif, balse waxaa muuqata in cadaadiskii Baraha bulshada uu saameyn yeeshay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON