Friday, March 28, 2025
HomeSomaliBanaadirTartanka Orodka gaaban 'Mini Marathon' oo Muqdisho lagu qabtay & Wadooyin loo...

Tartanka Orodka gaaban ‘Mini Marathon’ oo Muqdisho lagu qabtay & Wadooyin loo xiray. [Sawirro]

-

- Advertisement -

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay Tartanka Orodka gaaban ee Mini Marathon oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Isboortiga xukuukadda Soomaaliya.

Tartanka oo ay ka qeyb galeen dad far baadan ayaa ka bilowday Isgoyska KM4, wuxuuna ku dhammaaday Baarlamaankii hore ee Muqdisho, iyadoo ay ka dhex muuqdeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha G/Banaadir.

- Advertisement -

Saaka ayaa mar kale la xiray jidka Maka Almukarama oo markii hore qeybo badan laga xiray ayaa haddana laga joojiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka si tartanku u qabsoomo, kasoo ku soo dhammaaday jawi qurxoon.

Orodyahan Cabdinuur Maxamed Garaad oo u tartamay magaca degmada Kaaraan ayaa ku guuleystay tartanka orodka gaaban ee Muqdisho oo hadda noqday mid sanadkiiba mar la qabto.

DAAWO SAWIRRADA

Image may contain: one or more people, people walking, crowd and outdoor
Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people walking, outdoor and text
Image may contain: 2 people, people standing, people walking and outdoor
Orodyahan Cabdinuur Maxamed Garaad oo u tartamay magaca degmada Kaaraan ayaa ku guuleystay tartanka orodka gaaban ee Muqdisho