Iyadoo uu sii xoogeysanayo ololaha doorashad guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirar ay leeyihiin musharixiinta u taagan xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Kulan xalay dhex maray musharixiinta Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla iyo Maxamuud Macalin Yaxye ayaa la sheegay inay uga wadahadleen sidii ay isbaheysi u sameysan lahaayeen si xilkaasi midkood ugu guuleysto.
Dhinaca kale Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu soo maagcaabo Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagu saleynayo nidaamka 4.5, iyadoo qabanqaabin doona doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Musharixintii ugu badneyd ee ayaa isu soo sharxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la filayaa inay doorashadu noqoto mid si adag loogu loolamo.