Wednesday, February 19, 2025

Tartanka Doorashada Madaxweynaha Kenya oo adkaaday iyo Natiijadii ugu danbeysay

Tartanka Doorashada Madaxweynaha Kenya ayaa noqday mid adag ay aad isugu dhow yihiin labada musharax ee sida weyn ugu loolamaya xilka uu sareeya dalkaasi.

Natiijada horudhaca ah ee doorashadii shalay ka dhacday dalka Kenya ayaa muujineysa inay aad isugu dhow yihiin labada musharax ee Raila Odinga iyo Wiliam Ruto, iyadoo laga cabsi qabo in loo baahdo wareeg labaad.

Natiijooyinkii ugu danbeyay ee Doorashada Madaxtinimada Kenya sida warbaahinta dalkaasi baahineyso waxaa aad isugu dow Madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Ad

Inkastoo ay daqiiqad kasta natiijada isbedeleyso, haddana waxay labada Musharax kala helayaan codad isu dhow, codadka Wiliam Ruto heysta xilligan (11:00) ayaa ah 50.26%, halka Raila uu heyso 48%, codadka ilaa hadda la tiriyay ayaa waxyar ka badan 3 Milyan oo cod; waxaana musharaxa guuleysanaya doorashada laga rabaa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, ayaa soo bandhigay sawirada in ka badan 90% foomamka natiijada doorashada, kuwaas oo laga soo qaaday 46,663 goob codbixineed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON