Waxaa magaalada Gaalkacyo laga diiwaan geliyay ilaa Galabta shan musharax oo ku tartamay kursi ka mida Golaha shacabka oo yaalla magaalada Gaalkacyo, Galmudug.
Waxaa shahaadooyinkii Musharaxnimo qaatay oo is diiwaan geliyay 5 haween oo u sharxan kursiga tirsigiisu yahay HOP060 oo ay hore ugu fdahisay Xildhibaan Ubax Tahliil oo ku fashilantay dadaal ay ku dooneysay in loo xiro.
Kursigan ayaa la sheegay in madaxweyne Qoorqoor lagu qasbay inuu ka dhigo tartanka furan, taasoo keenta inuu xiiso gaara yeesho ayna isu sharxaan Musharaxiintii ugu badneyd oo haween ah.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA
1- Ubax Tahliil Warsame
2- Hodan Cabdullaahi Shire Ilqeyte
3- Qaali Cali Shire
4- Ayaan Xuseen Xasan (Wacan)
5- Nafiso Qaasim Bulxan
