Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha horena u soo qabtay guddoomiyenimada Gobolka Banaadir ayaa si kulul u weeraray xildhibaanada dhisay madasha Horeusocod.
Farriin uu soo diray Mudane Tarsan ayuu ku sheegay in kuwii musuqa ka tirsanaa ee laaluushka ku bixiyay doorashadii madaxtinimada, dalkana ka lumiyay afar sano ee la soo dhaafay ay hadda sheegayaan inay u damqanayaan shacabka Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRI FARRIINTA MUDANE TARSAN
Ummadda Somaliyeed iloobi ogaa waxa soo marey, shaley kuwii afar sano ka dhumiyey, kuwii hal habeen $13,000,000 ku bixiyey laaluush markaas oo dad badan oo Somaali ah ay u dhimanahayeen macluul xoolahoodina ay ku dhamanahayeen abaarta. Kuwii dulmiga iyo musuq maasuqa dorashadii dadbaneyd horseedka ka ahaa, kuwii boobey hantida ay ummadu isla laheyd, kuwii dafirey tariikhdii iyo himiladii ummadda Somaaliyeed si u gaaraan danahooda raqiiska, kuwii u adeygi jirey danaha shisheeye. Kuwaas ayaa maanta noo sheegaya in ay u danqayaan danaha shacabka in ay ka fakarahayaan maslaxada ummadda Somaaliyeed. WAA NA SIIBDARO IN AAN DHEGAHA U TAAGNO. Â Â TARSAN
Ad
Goobjooge.com
Warar Xul ah