Nin tarjumaan oo gacan ka geystay badbaadinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xilli uu duufaan baraf ku qabsaday Afghanistan 2008, ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay ka baxsadeen Afghanistan, kadib markii ay toddobaadyo ka dhuumanayeen Taalibaan, waxaa sidaas xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Kadib markii isaga iyo qoyskiisa ay dhinaca dhulka ka galeen Pakistan, Aman Khalili iyo qoyskiisa ayaa waxaa magaalada Doha ee dalka Qatar loogu duuliyey diyaarad ay leedahay dowladda Mareykanka, sida uu afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda u sheegay AFP.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa goor sii horeysay sheegay in Aman, xaaskiiska iyo caruurtiisa, ay caawimaad ka heleen askar hore oo Mareykan ah iyo dad Afghan-Mareykan ah.
Sanadii 2008, Khalili ayaa ahaa tarjumaan u shaqeynayey ciimada Mareykanka, markii Biden oo xilligaas ahaa Senator, islamarkaana ay wehliyeen laba senator oo kale Chuck Hagel iyo John Kerry, ay booqdeen dalka Afghanistan.
Markii duufaan baraf uu ku qasbay diyaarad helicopter oo ay la socdeen inay cago dhigato meel baadiye ah, Khalili ayaa ku biiray ciidan militari ah oo ka tegay saldhigga Bagram, oo ugu tegay buuraha si ay u badbaadiyaan wafdiga.
Saddex iyo toban sano kadib, Khalili ayaa awoodi waayey in codsigiisa ahaa inuu u haajiro Mareykanka la ansixiyo kahor inta aanay Taalibaan dib u qabsan dalkaas.
Codsi uu diray Bishii Ogost oo uu qoray Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal ayuu ku yiri: “Hello, Mudane Madaxweyne: Badbaadi aniga iyo qoyskeyga” . Waxaa markaas socday daad-gureynta 120,000 oo qof oo laga soo qaaday Afghanistan.
