Talyaaniga ayaa xaqiijisay jiritaanka Tahriibayaal ku geeriyooday Badda Dhexe oo xigta dhinaca Masar, waxaan sidaasi laga soo xigtay wasiirka Arrimaha dibadda Talyaaniga Paolo Gentiloni.
Wasiirka ayaa sheegay in jirto masiibada tahriibayaasha ku qabsatay Badda Masar xigta laakiin ay sugayaan faahfaahinta wixii dhacay.
“Waxaa hubanti ah in mar kale ay Badda dhexe ka dhacday masiibo, waana sanad kadib markii musiibadu ka dhacday Biyaha Liibiya” ayaa laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga oo markii ugu horeysay ka hadlay boqolaal Soomaali u badan oo tahriibayaal ahaa kuna le’day Badde dhexe ee Mediterranean-ka.
Wasiirka Talyaaniga wuxuu sheegay inay tani tahay sabab xoog leh oo Yurub ku riixeysa inaysan Derbiyo ka dhisan dadka tahriibaya.
Hore ayaa weriyeyaal reer Galbeed ah su’aalo uga keeneen xaqiiqada waxa ka dhacay badda dhexe iyagoo ku doodaya inaysan jirin cid xaqiijisay wararka aya baahiyeen Warbaahinta Sooamalida, laakiin waxaa muuqata inay hadda uun ku baraarugeen xaqiiqada wixii dhacay.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa raadineysa macluumaad ku saabsan dadka ku geeriyooday Badda, iyadoo ciddii war ka heysa ama qaraabo la ah dadka dhintay laga dalbaday inay la xiriirto afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.
Goobjooge.com