Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo diray tallooyin lagu xalin karo khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya.
Agaasimaha hay’adda Heritage Afyare Cabdi Cilmi ayaa ugu baaqay labada mas’uul inay ka waantoobaan inay uga sii daraan xiisadda u dhaxeysa, ayna xaaladu gaarto gacan-ka-hadal, taasoo uu cabsi weyn ka muujciyey.
Tallooyinka Prof. Afyare Cabdi Cilmi u jeediyey Farmajo iyo Rooble ayaa kala ah:
1- Qaata Masuuliyadda oo iska ilaaliya gacan-ka-hadal dhaca, wax kastoo ay qaadato.
2- Ha siyaasadeynina Ciidamada Amniga;
3- Hubiya Sarraynta Sharciga iyo caddaalad loo helo kiiska Ikran Tahlil Farah;
Wuxuu ku baaqay in xalinta is-maandhaafka Farmaajo iyo Rooble loo wada istaago oo la iska xil saaro si aysan xaaladda uga sii darin.
