Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliya, iyadoo xilka laga qaaday Taliyihii hore.
Shirkii Golaha wasiirada ee maanta ayaa magacaabay Jeneraal Sulub Axmad Firin inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Booliska, iyado xilka laga qaaday taliyihii hore ee ciidamada booliiska Maxamed Xasan Xijaar.
Taliyaha cusub ayaa hadda ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse, wuxuuna kasoo jeedaa Jubbaland, iyadoo hore loo filayay in xilkan la siin doono Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilkan u xulay taliyaha cusub, kadib muddo dheer oo laga sugayey isbedel Taliyeyaasha ciidamada dowladda oo weli ay xilka hayaan taliyeyaashii uu magacaabay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
