Taliyihii ciidamada Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Cabdulqaadir Cismaan Mursal Nuunow ayaa maanta gelinkii danbe lag u dilay Qarax miino oo ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.
Qaraxa oo lala beegsaday Gaarigii uu la socday Taliyaha ayaa waxa kaloo ku dhintay ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha oo gaarayey saddex askari, iyadoo uu si weyn ugu burburay gaariga la qarxiyey.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana lagu caddeeyay in qeybta qaraxyada ee xarakada ay fuliyeen qaraxa oo lagu dilay taliye C/qaadir Nuunow iyo shan askari oo ilaalo u ahayd.
Geerida Taliyaha Booliska Afgooye waxaa xaqiijiey Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax oo sheegay in Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captan Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo ilaaladii la socotay ay galabta ku shahiideen qarax argagixisada ay la eegteyn gaari ay saarnaayeen.