Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilalkii ka qaaday taliyihii Ciidamada Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka eGen. Axmed C/llaahi Sheekh, isagoo magacabaya taliyeyaal cusub.
Wareegto maanta la faafiyay ayaa lagu shaaciyay in iyadao laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga uu isbeddal ku sameeyay Taliyaasha Ciidanka Dhulka ee CXDS iyo Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee CXDS.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar u magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, halka G/Dhexe Xasan Saalax Cabdi uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taliyaashii Hore uga Mahadceliyay, kuna bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen.