Taliyaha cusub ee Booliska Soomaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, isagoo magacaabay kuwo cusub.
Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa xilka laga xayuubiyay, waxaana xilkaasi loo magacaabayJen. Axmed Xasan Maalin oo hore usoo qabtay xilkan in muddo ahna soo hayay.
Dhinaca kale Jen. Maxamed Cumar Madaale ayaa loo magacaabay madaxa Hoggaanka Howlaha ciidanka Booliska, wuxuuna hore u soo noqday  taliyaha Booliska Gobolka Banaadir. waxaana la sheegay in isbedello hor leh lagu sameyn doono taliyeyaasha ciidamada Booliska.
Taliyeyaasha la magacaabay ayaa hore ula soo shaqeeyay taliyaha cusub ee Jen. Saacid, iyagoo aan ku cusbeyn xilalka loo magacaabay, waxaana qaarkood hore loogu tuhmay waxqabad la’aan gaarsiisan dayacaad shaqo.
Goobjooge.com