Monday, March 24, 2025

Taliye xigeenkii Booliska oo xilkii laga qaaday iyo Sarkaal Caan ah oo loo magacaabay

Ku-xigeenkii Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya haweeneyda lagu magcaabo Zakiya Xuseen ayaa shaacisay in xilkii laga qaaday oo ay dhowaan wareejin doonto.

Gen Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay muddo dheer xilkaasi ku raagatay, lana soo shaqeysan madax badan, waxayna qoraal ay uga falcelisay xil ka qaadisteeda ku caddeysay inay sii shaqeyn doonto.

“Xilku waa meerto Difaaca Qaranka waa joogto 5 sano iyo 10 bilood khidmeyn sare, 2 Madaxweyne, 3 Raisul-Wasaare, 3 Wasiir Amni, 3 Taliyaal Booliis. Waxaa shalay Boliiska ku soo biiray iyadoo sareeyaasha ay lebiska ku watan bac iyagoo baqaaya in la dilo. Waxaana manta ka tagaayaa iyagoo ku faani karo Boolisnimada iyo Bulsho oo haysato meel Boliis kala xiriiraan iyo kala xisaabtamaan.” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya.

Ad

Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in xilkeeda loo magacaabay Gen Abdalla Abdalla Maxamed oo hore u ahaa taliye ku xigeenka Hay’adda NISA, balse ay dowladii Farmaajo xilka ka qaadaym kana xayuubisay darajadii ciidan oo markii danbe uu u soo celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON