Tuesday, October 3, 2023

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la’ yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga Cows-weyne oo dagaal culus ka dhacay Sabtidii 26 Ogost 2023.

 Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka Col. Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) ayaa la sheegay in lagu waayey  nolol iyo geeri, kadib weerarkii  Al-Shabaab ee Cowswayne ee gobolka Galgaduud.

Dhammaan isku daygii lagu raadiyay Taliye Shaah-ma-cabe ayaanay suuragelin lagu helo, waxaana la waayey cid ka war heysa, taasoo keentay walaac xoog leh oo ay qabaan ehelkiisa iyo saaxiibadiisa.

Ad

“Taliye SHAAH MA CABE waxa lagu waayay dagaalkii Cowsweyne ee maalintii sabtida dhacay, ilaa saacaddaanna nolol iyo geeri midna laguma haayo. Waxa uu ahaa taliyaha kaliya ee la hubo inuunan laaluush qaadan-jirin, balwad aan laheyn nuucii ay doontaba ha ahaatee, sidoo kalena ahaa sarkaal wadaad ah oo Eebbe ka cabsi badan”.” ayuu soo qoray Xasan Cabdulle Calasow oo sheegay inuu saaxiib la ahaa taliyaha.

Dagaalkii Caws-weyne ayaa qasaare xoog leh ka dhashay, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan inuu saameyn ku yeeshay aagga Ceeldheer, Galcad iyo degaanada la xiriira ee Gobolka Galgaduud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!