Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwadda Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Milateriga oo loo geysto inuu ku biiray Alshabaab, isla markaana uu fududeeyay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho Muqdisho.
sarkaalkan oo lagu magacaabo kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle ayaa soo noqday Taliyihii ururka labaad, Guutada lixaad ee ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu ciidamada ku biiray sanadkii 2000.
Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle ayaa qirtay inuu la shaqeeyay Alshabaab, hubna ka iibiyey, waxayna Hay’adda NISA kusoo eedeysay inuu Qaraxyada Alshabaab usoo gelin jiaray magaalad, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, qaraxadii sanadkii 2019 ka dhacay Mall-ka xamarweyne, Liido, The Village, Hotel Weheliye iyo Villa Baydhaba.
Xeer ilaalinta ayaa sheegty in Kabtan Shariif uu ku biiray Khawaarijta Alshabaab, kadib markii uu ka carooday in laga wareejiyay Xilkii uu ka hayay Ciidamada Xoogg dalka, balse uu ahaa sarkaal Mushaar qaata.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, isagaoo sheegay in ay Maxkamadda go’aan ka soo saari doonto.