Monday, May 20, 2024

Taliye ka tirsanaa Booliska Muqdisho oo Toogasho ah loogu xukumay Kiis Afduub iyo Dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta Dil Toogasho ah ku xukuntay Taliyihii Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu helay kiis afduub iyo Dil ah oo uu lug lahaa.

Maxkamadda ayaa C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) oo ahaa taliyihii Saldhigga degmada Heliwaa iyo Dable Maxamed Cabdi Maxamed (Qoone) oo Gacanyare u ahaa Taliyaha ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay afduubteen, kadibna Dileen 24/02/2024.

Kabtan Qoslaaye oo ka tirsan Booliska ayey Maxkamaddu ku heshay falkii lagu soo eedeeyay, isagoo noqday taliyihii ugu horeeyay ee ku lug yeesha afduub iyo Dil. Sidoo kale waxay Maxkamadda ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed isaga iyo dable Qoone.

Ad

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada waxay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Liibaan Maxamed Cumar (Liibaan Maxamed Axmed) oo ahaa abaabulaha kiiskan Dilka iyoi Afuubka ah.

Dhinaca kale Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyaad aan Diiwaanka Ciidanka dowladda ku jirinm balse Taliye hore Qoslaaye uu dharka Police-ka u iyo Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamayaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhaca marxuumka lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda waxay sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday. Waxaana xukunsanayaasha u furan inay rafcaan ka qaataan xukunka muddo bil ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON