Taliyaha cusub ee lo magacaabay Hoggaanka Hay’adda Denbi Baarista Booiiska ee CID-da ayaa maanta la wareegay xilka, kadib markii dhowaan la magacaabay.
Col. Maxamed Cabdiwahab Shiikh Maxamed (Anwar), ayaa la wareegay xilka Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), isagoo bedelay taliyihii hore ee xaruntaasi oo xilkii laga qaaday.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen. Sulub Axmed Firin ayaa magacaabay taliyaha cusub e xarunta CID oo ka mida hoggaanada Booliska, kadib markii uu laba jeer kormeer ku tegay xaruntaasi.
Isbedello badan iyo magacaabis xilal ayaa ka socda Hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka xilli ay soo dhowdahay sanadguurada koowaad ee marka dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud May 2023.