Maamulka Isbitaalka Muqdisho General Hosptial ayaa sheegay inay xalay xilli danbe soo weerarreen Askar lebisan oo ka mida ciidamada, markii ay isku dhaceen ilaaladii Isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka Cilmi Yuusuf ayaa sheegay in 1:00 Habeennimo ay weerar kusoo qaadeen isbitaalka ciidamo uu wato Taliyaha Booliska degmada Waaberi Cismaan Jareere oo markii hore u socday qof bukaan ah, balse markii danbe weerar ka geystay isbitaalka markii ilaalada Isbitaalka ay ka dalbadeen inuusan hub iyo ilaalo la gelin Isbitaalka.
Maamulka Isbitaalka ayaa xaqiijiyay in Taliye Cismaan Jareere iyo askartiisa uu jirdil ku sameeyay ilaalada iyo shaqaalaha Isbitaalka, isla markaana ay qaateen qalabkii CCTV Camera iyo Mobile.
Markii isbitaalku la xiriireen Booliska ayuu maamulaha sheegay inay isbitaalka yimaadeen ciidamo Boolis iyo NISA isugu jira oo oo uu la socdo Taliye Jareere, kadibna ay wateen shaqaale ka tirsan isbitaalka oo ay ku xireen Saldhigga Booliska Howlwadaag, markii ay ka daba tageenna uu diiday inuu sii daayo.
Maamulka Isbitaalka Muqdisho General Hosptial ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday inay arrintan tacadiga ah ee loo geystay lasoo farageliyo.