Sunday, April 27, 2025

Taliye Boolis oo loo xiray Kiiska Ganacsade Afduub iyo Dil loogu geysatay Muqdisho

Afduub iyo Dil magaalada Muqdisho loogu geystay Ganacsade dhalinyarro ah oo ka shaqeysta Sarifka Lacaga iyo Online-ka ayaa lugaha la galay taliye ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Taliyihii Booliska saldhigga degmada Heliwaa iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah loo xiray tuuhn la xiriirtay inay ku lug leeyihiin afduubka iyo dilka ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo Khamiistii meydkiisa laga helay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Sida laga soo xigtay Booliska iyo ehelada Marxuumka Taliye Cabdifitaax Qoslaaye iyo askar ilaalo u aheyd ay ku xiran yihiin xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID, isla markaana ay ku socdaan baaritaan la xiriira tuhunka loo soo xiray.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in baaritaanka kiiska afduubka iyo dilka Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax uu keenay in tuhun weyn oo caddeymo leh uu alo taliyaha Booliska Heliwaa ee la xiray, iyadoo la ogyahay in Marxuumka laga afduubtay degmada Heliwaa, xilli ku socday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Waxaracadde, kadibna lagu qafaashay Gaarigiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON