Waxaa Muqdisho laga daah furay Qorshe la doonayo in shacabka looga ururinayo lacago la sheegay in lagu taakuleynayo ciidamada Qalabka Sida ee dowladda.
Qorshahan waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidmaada Xoogga Dalka Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, waxaana lagu sheegay “Barnaamijka Dalkaaga ugu hiili hal Dollar”.
Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Shacabka meel walba oo ay joogaan looga baahan yahay garab istaaga Ciidamada dalka ee dhiigooda u huray xoreynta dalka, wuxuuna Shaaciyay in la sameeyay Akoonno ay shacabka kusoo diri karaan lacagaha TaakuleyntaCiidamda xoogga dalka.
Sidoo kal Taliyaha ciidanka XDS Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada Qaranka, iyadoo wixii ay soo diraan gacan aamin ah ku dhici doonaan, sida uu yiri.
Lama oga cidda maamuleysa Akoonada cusub ee lagu ururinayo lacagaha Shacabka ugu deeqayaan ciidamada, mana jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay kaalinta xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.