Taliyaha Hay’adda Sirdoonka dalka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo uu kusoo dhoweeyey agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad.
Warbaahinta dowladda Somaliya ayaa heegtay in socdaalka Nuuradiin Xaaji uu la xiriiro sidii labada Hay’adood ee sirdoon Kenya iyo SOomalaiya isaga kaashan lahaayeen amniga labada dal, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.
Taliyaha Sirdoonka Kenya oo ah nin asalkiisu Somali yahay oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa Muqdisho kula kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo warar hore u soo baxay sheegeen inuu toddobaadkan tegay Kismaayo.
Socdaalka taliye Nuuradii ayaa imanaya ayada oo toddobaadyadii dhowaa ay aad u kordheen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya, kuwaasi oo dad badan lagu dilay, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.
Kororka weerarada ayaa dhaliyey in Kenya ay dib u dhigto dib u furista xadka ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki Arbacadii.
“Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha gabagabada ah ee dib loogu furayo xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya si wax looga qabtoo qabto mowjadaha weerarrada argagixisanimo iyo dambiyada xudduudaha,” ayuu Kindiki kusoo qoray Twitter-ka.