Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdilaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta xilka kala wareegay.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasare ku xigeenka iyo Wasiirka Amniga, waxaana taliyihii hore ee NISA Gen. Cabdullahi Gaafow Maxamuud uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay taliyaha cusub.
Agaasimaha cusub ee NISA Mudane Sanbaloolshe ayaa balanqaaday inuu amniga Muqdisho iyo dalka wax weyn ka bedeli doono, iyadoo lala kaashanayo shacabkana la imaan doono tallaabooyin cusub oo amniga lagu sugayo.
Qorshe Sanbaloolshe hore ugu dhigay ammaanka Muqdisho ayaa socon waayay markii xilka looga qaaday isku dhac dhex maray isaga iyo golaha wasiirada, wuxuuna markaas awood ku maquuniyay hogaamiyeyaal maleeshiyo oo hub badan ku heystay caasimadda.
SAWIRRO