Sunday, May 25, 2025

Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil Mareykan ah oo gaaray Galcad

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddow uu gaaray magaalada Galcad oo saldhig u ah ciidamada dowladda.

Wafdiga Taliyaha waxaa ka mida Saraakiil Mareykan ah oo taageera ciidamada Kumaandooska Danab, waxaana socdaalkan uu yahay midkii ugu horeeyay ee Taliyaha uu ku gaaro saldhigyada ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda Federaalka ayaa wada diyaar garow ku saabsan wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab oo in muddo ah dib u dhacay, waxaana saldhigyada ciidamada ee Galcad iyo Ceeldheer laga dareemayaa inuu Mareykanku ku lug leeyahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON