Taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada Kacaanka Iiraan Gen. Ali Hagi Zada ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Tehran ku sheegay in weerarkii ay ku qaadeen Saldhigga weyn ee Ceyn-Al-asad uu ahaa bilowga jawaabta laga bixinayo dilkii Mareykanka u geystay Gen. Qasim Suleymani.
Gen. Ali Hagi Zada ayaa sheegay Gantaalaha Iran ku duqeysay saldhiga Mareykanka ujeedku ahaa in lagu burburiyo diyaaradaha is-wada ee Drone-ka, balse tallaabooyinka soo socda iyo weerarrada ay Mareykanka ku qaadi doonaan kooxaha muqaawamada ee raacsan Iiraan, kuwaasoo calamadooda lagu soo bandhigay shirka Jaraa’id.
Taliyaha ciidamada Cirka ayaa xilliga uu shirka jaraa’id jeediyey waxaa dhinaciisa danbe lagu xardhay callamada kooxaha hubeysan ee raacsan Iiraan oo kala ah: Pasdaran (Ilaalada Kacaanka Iiraan) Basij (Ciidamada Iran), Hezbollah (Ururka ka jira Lubanon), Ansarullah (Xuutiyiinta – Yemen); Xashd Shacbi (Maleeshiyo ka jirta- Iraq) Xamaas (Palestine) Liwa Faadimyuun (Afghanistan) Liwa Zainebiyoun (Pakistan).
Waa markii ugu horeysay ee Iiraan ay si rasmi ah kooxahan ay taageerto la soo shir tagto oo meel fagaare ah ka shaaciso inay u dagaalamayaan.