Sunday, April 14, 2024

Taliyaha Booliska oo War kasoo saaray Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa beeniyay in ciidamo cusub la geeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Taliyaha ciidamada Booliska ayuu ku yiri: “Waxaan xaqiijinayaa in taliska ciidamada Booliska aysan wax ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah geynin Garoonka Aden Cadde ee Muqdisho. Ciidamada Booliska, AMISOM iyo saaxiibada kale ee Amniga ayaa shaqadooda caadiga ah wata oo sugaya Amniga Garoonka..” .

Warkan ayaa soo baxay kadib markii la baahiyey in ciidamada gaarka ah ee Haramcad la geeyay Garoonka Muqdisho, isla markaana taliska Booliska Garoonka la hoos geeyay qeybta Xamar oo lagu faafiyey baraha bulshada, kadibna ay Farmaajo ku eedeeysay Madasha Badbaado Qaran.

Ad

Qoraalka Taliye Xijaar ayaa waxaa ka muuqda in Taliska Booliska aanu ciidamo dheeraad ah geynin Garoonka, iyadoo ay dhalatay su’aal ah in NISA ama Madaxtooyada ay geyn karaan ciidamo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON