Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa shaaciyey in amniga dalka lagu soo duulay, isla markaana uu meel xun marayaa.
Taliyaha Booliska ayaa tusaale u soo qaatay qarxinta Kaamerooyinka ay NISA ku xirtay wadooyinka Muqdisho iyo qaraxyada lagu hayo dadka ku howlan dhismaha wadooyinka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay duullaan lagu soo qaaday Amniga.
“Amniga dalkeena waa lagu soo duulay, meel xun ayuuna u marayaa, waxaa la marayaa in la qarxiyo kaamerooyinkii waddooyinka lagu xiray, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay horumarka ummadda iyo xasiloonida..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska oo ka hadlayey shirka sadfex billoodka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Taliye Xijaar ayaa soo jeediyey wada shaqeynta buuxda oo ay yeeshaan Hay’adda Socdaalka iyo Booliska. Waa markii ugu horeysay ee taliyaha Booliska uu qirto xaaladda amniga ee sii xumaaneysa iyadoo madaxda dowladda looga bartay ereyo ka duwan xaqiiqada.