Taliyaha Ciidamada Booliika Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin caawa u diray bulshada iyo ciyaartoyda ka qeyb galeysa csiyaarta kama danbeysta ah ee Berri ka dhaceysa Garoonka Eng. Yariisow (Ex. Banadir) ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa ka codsaday dadweynaha ka qeyb galaya ciyaarta inay si nidaam ah u galaan garoonka, ugana baxaan, iskana ilaaliyaan inay wax carqalad ah ka dhacaan, wuxuuna dhinaca kale faray ciidamada Amniga inay si wanasgan ula dhaqmaan shacbaka.
“Waxaan dhalinyarrada Soomaaliyeed iyo Dadweynaha ka codsaneynaa in si deganaasho leh looga qeyb galo ciyaarta, gacan la siiyo Booliska. Waa in si nidaam leh loo galo garoonka, loogana soo baxo.. Waa in loo hoggaansamo amarrada uu boolisku bixinayo..” ayuu yiri Taliyaha Booliska oo ka hadlay Warbaahinta dowlada.
