Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa isbedel kale ku sameeyay taliyeyaasha Gobolka Banaadir iyo saldhigyada degmooyinka qaarkood.
Waxaa Taliye ku xigeenka Qeybta G/Banaadir loo magacaabay Gaashaanle Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla, isagoo lagu bedeley Korneyl Axmed Cabdi Waaweyne oo u dhintay dhaawicii ka soo gaaray qarixii is-miidaaminta ee ka dhacay saldhiga Booliska degmada Waaberi.
Dhinaca kale waxaa Yaxye Maxamed Ibrahim (Yaxye Casuuro) loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Dayniile; halka Farxaan Maxamed isna loo magacabay taliyaha Booliska degmada Boondheere.
Taliyaha Booliska degmada Dharkeynley ayaa isna l oo magacaabay Gaashaanle Macalin Aadan, iyadoo laga soo wareejiyey saldhiga Booliska Degmada C/casiis oo taliyaheedii lagu dilay Qaraxa. Taliyeyaasha qaarkood ayaa laba bilood oo kaluya xilka hayey marka isbedelkan ku yimid.
Xil ka qaadista iyo isku shaandheynta maanta soo baxday ayaa saameyn ku yeelatay ilaa 8 saldhig Boolis iyo qeybt Gobolka Banaadir, waxaana taliyeyaasha kale ee la magacaabay ka mida: Axmed Bootaan oo loo magacaabay Saldhiga Wadajir, Ismaaciil Siciid Jaamac oo loo magacaabay Saldhiga Waaberi iyo Xasan Cabdulle Bashiir Saldhiga Booliska C/casiis la geeyay.
Taliyaha saldhiga Hodon ayaa loo magacaabay Zakeriye Cabdullahi; halka Abuukar Sheekh Aadan laga dhigay Taliye Ku-xigeenka salfhiga Kaxda.
Generaal Xijaar ayaa isbedelladii ugu badnaa ku sameeyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Saldhigyada degmooyinka Muqdisho oo qaarkood hal sano gudihiis ku yeesheen saddex taliye.
