Sunday, May 25, 2025

Taliyaha Booliska oo isku shaandheyn ku sameeyay Qaar ka mida taliyeyaasha & Qeybaha Booliska [Akhriso Magacyada]

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mida taliyeyaasha iyo Saraakiisha sare ee ciiidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo qaarkood xilalkii laga qaaday.

Taliyeyaasha qeybaha iyo taliska sare qaarkood ayay saameysay xil ka qaadista iyo isku shaandheynta uu sameeyya taliyaha ciidamada Booliska, waxaana saraakiisha la magacaabay ka mida taliyaha saldhiga Booliska Dharkeynley, taliyaha qeybta Waliyow Cadde, taliyaha ciidamada Birmadka Booliska iyo taliyaha Daraawiishta, waxayna kala yihiin:

1- Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Ad

2- C/llaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay La-taliyaha Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, isagoo hore u ahaa taliyaha qeyta Weliyow Cadde.

3- Taliyaha Birmadka ciidamada Booliiska ayaa loo magacaabay Yuusuf Xundubay oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Galbeed ee G/Banaadir.

4- Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeynley

- Advertisement -

5- Gaashaanle Sare Cabdulaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay Taliyaha Daraawiishta Booliska

6- Aadan Xersi ayaa loo magacaabay Taliyaha socdaalka ciidamada Booliska.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON