Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa beeniyey falal uu ku kcay oo ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha KMg ah ee Golaha Shacbaka iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Wuxuu beeniyay in uu hor istaagay howsha Golaha shacabka, isagoo ku dooday inaysan jirin howlg Golaha Shacabka shalay uga socotay Teendhada Afisyoone, balse ay ciidamadiisa goobta u tageen sugidda amniga sida uu yiri.
Qoraal kaa uu soo saaray Jeneraal Xijaar ayuu ku caddeeyay inaysan jirin ciidamo Boolis ah oo maanta tegay Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Wuxuuna sheegay inay halkaas joogeen ciidamo kale oo aanu magacaabin.
HOOS KA AKHRISO