Saturday, May 17, 2025

Taliska Xoogga Dalka oo shaaciyey Qasaarihii Alshabaab kasoo gaaray dagaallo ka dhacay Sh/Hoose & Hiiraan

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ururka 26aad guutada 6aad ee qeybta 60aad ee ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay guul weyn bay ka gaareen dagaalkii deegaanka Buula-mareer, laguna dilay 66 Alshabaab ah.

“Caddowga Ummadda Soomaaliyeed saddex baabuur ayay ku soo weerareen xarunta ciidanka oo qaraxyo saarnaa, hal iridda hore ayuu ku qarxay, labada kalena meel 100- talaabo u jirta xarunta ayaa lagu gubay, iyadoo saddex askari ay naga dhaawacantay, waana guul Alle aan uga mahadcelineyo” ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa sheegay in xubnaha ka dhintay Alshabaab ay ku jiraan saraakiil wadatay telefoonada gacanta, meydadkoodana la hayo, wuxuuna kaloo sheegay in 63 kale oo Alshabaab ka tirsan lagu dilay howlgallo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Ad

Hubka laga furtay Alshabab dagaalkii Buulomareer ayaa lagu sheegay 30 qori, kuwaasi oo kala ah 12 Qori AK47 ah 20   qori PKM ah  iyo qori dhashiiko ah. Goobta lagu soo bandhigayay meydadka ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON