Friday, March 28, 2025

Taliska Milateriga oo u yeertay Ciidamada ilaaliya xildhibaanada & Qeylo dhaan ka timid [500 Askari oo ku maqan..]

Ciidamadii ka tirsanaa xoogga dalka ee ilaalin jiray xildhibaannada ayaa looga yeeray talisyadooda, kadib amar kasoo baxay taliyaha ciidamada milateriga Somaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, taasoo keentay qeylo dhaan ka timid qaar ka mida xildhibaanadda.

Haweeney ka tirsan Aqalka Sare Nuura Faarax Jaamac oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay inay ilaalo la’aan tahay, isla markaana amnigeeda halis ku jiro markii laga kaxeystay ciidamadii ilaalada u ahaa , waxayna ku eedeysay inuu arrintaasi ka dambeeyay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, kadib markii dhowr jeer looga yerray xarunta Villa Baydhaba ee taliska ciidamada.

Ad

Waxa kaloo jira xildhibaanno dhowr ah oo ciidamadii ialaalada u ahaa laga kaxeystay oo ay ka mid yihiin ildhibaan Xuseen Carab Ciise, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Dhalxa iyo Xildhibaan C/Kaafi Macalin iyo qaar kale .

Ciidamo fara badan oo ku dhow 500 askari ayaa ilaalo u ah xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka, waxayna intooda badan ku yimaadeen qaab qaraabo ah oo xildhibaannadu u yeertaan, kadibna sharci u sameystaan, sidaasina ay ku ilaaliyaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa lacago gaara oo Gunno ah loo siiyaa amnigooda, iyadoo ay hadda saameyn ku yeelatay dib u habeynta ciidamada milateriga.

- Advertisement -

Mararka qaar waxaa ciidamada milateriga qaab beeleed ugu yeertay siyaasiyiinta iyo xubno mucaarad ah, waxaana wadooyinka magaalada lagu arkaa ciidamo tiro badan oo sugaya amniga shaqsiyaad, balse aanu ka war qabin taiiska ciidamada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON