Taliska Milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaciyey xogta tirada maleeshiyada Alshabaab ee lagu dilay inay laba duqeyn oo ka dhacay degaano u dhow degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM aya lagu sheegay in duqeymaha lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku usgnaa nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.
War saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan Disambar, laguna kala dilay isugeyn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya. AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.
“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday laba weerar oo is-difaacid wadajir ah, waxay kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii December, 2022, kaasoo lagu taageerayay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab meel u dhow Cadale, Soomaaliya”.” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.
Duqeynta 14-kii Disembar ayaa ka dhacay meel 176 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Cadale. Qiimaynda hadda jirta ayaa ah 7 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab laga dilay.
Duqynta labaad ee 17-kii Disembar ayaa ka dhacday meel qiyaastii 220 KM waqooyi bari ka xigta magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa ay ka dhacday agagaarka Cadale, laguna dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab.
Dowlada Soomaaliya ayaa hor u shaacisay in duqeymahan iyo howlgalladii daba oscday lagu dilay alshabaab ka badaan 150, iyadoo duqeyn kaliya ku sheegtya in lagu dilay 88 Alshababa ah.