Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyay saddex duqeyn oo ay ku qaadeen degaan u dhow magaalada Afmadow, kadib codsi uga yimid ciidamada dowladda Somaliya.
AFRICOM waxay sheegtay in kadib markii ay codsi ka heleen dawladda Soomaaliya ay saddex duqayn oo is difaacadid ah la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab ee ku sugnaa meel u dhoww degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta Kismaayo.
Qoraalka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay sheegtay in hawlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal kula jiray Al-Shabaab.
Duqeynta ayey AFRICOM ku qiimeysay in lagu dilay 10 ka tirsan al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo gaarin.
AFRICOM ayaa sheegtay inay sii wadi doonto qimaynta natiijada hawlgalkan, isla markaana bixin doonana faahfaahin dheeraad ah xilliga ku habboon.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in weerarkan lagu dilau 40 Alshabaab ah, halka Jubland ay sheegtay in lagu dilay 30 Shabaab ah.