Thursday, February 13, 2025

Taliska Mareykanka oo shaaciyey Tirada Al-Shabaab looga dilay Duqeyn ka dhacday Galmudug


Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaciyey in 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ay ku dileen duqeyn dhinaca cirka ay oo Jimcihii ayka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo.

Sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay taliska AFRICOM, weerarkan ayaa ka danbeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo.

Ad

“Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.

Taliyaha ciidamdaa dhulka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyo oo Alshabaab ah, waana mid ka mida weerarrada dhaca oo tirooyin kala duwan ay kasoo saaraan dowladda federaalka iyo Takiska Mareykanka ee Afrika.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON