Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa ka hadlay qarax Alshabaab ku qaaday degaanka Jannaayo Cabdalla ee Koonfurta Soomaaliya, iyadoo uu qasaare kasoo gaaray Askari Soomaali iyo Mareykan ah.
Afhayeenka AFIRCOM Col. Chris Karns ayaa sheegay in askari ka midaciidamada Mareykanka uu ku dhaawacmay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo Alshabaab ku qaaday xilli uu ku jiray howlgal la-talin iyo caawn ah degaanka Janaayo Cabdalla.
Xaaladda Askariga Mareykanka ee dhaawacmay ayuu sheegay Col. Chris Karns inay degan tahay oo markii la baaray aanu ku jirin halis caafimaad oo noloshiisa ah, laguna hayo la-tacaalid iyo daweyn.
Alshabaab ayaa sheegay inay qaraxa is-miidaaminta ah ay ku dishay 4 askari oo Mareykan ah iyo 16 ka mida ciidamada Danab ee Soomaaliya.
