Saturday, January 25, 2025

Taliska Mareykanka oo ka hadlay Duqeyntii lagu dilay shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormud..

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa ka hadlay duqeyntii ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo la sheegay in lagu dilay qof shacab ah oo u shaqeynayey shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in mid ka mida shaqaalaheeda oo lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Salaad oo shirkadda una shaqeynayey ilaa sanadkii 2002 lagu dilay duqeynta Mareykanku ka fuliyey degmada Jilib Isniintii 24-ka bishan.

Afhayeenka AFRICOM ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan arrintan. “Talisku wuxuu baaris ku sameyn doonaa warbixinta shilkan oo ay ku jiraan warbixinadda lala xiriira howlgalka ee laga helay dhinacyo saddexaad. Waxaan u hoggaansanahay sharciyada dagaalada hubeysan, waxaana qaadanaa taxadarka loo baahan yahay marka aan beegsaneyno goobaha la xadiday ee Alshabaab ama dadka ku xiran Alshabaab..” ayuu yiri Afhayeenka Taliska ciidamada Mareykanka Col. Chris Karns.

Ad

Dowladda Soomaalitya oo hore u sheegtay inay weerarkaasi kala qeyb qaadatay ciidamada Mareykanka ayaa markii dambe sheegtay inaysan waxba kala socon qofka shacabka ah ee lagu dilay Jilib.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON