Taliska ciidmada Mareykanka ee Afrika ayaa beeniyay war ay faafisay Alshabaab oo ku saabsanaa in ciidamo Mareykan ah lagu dhaawacay Qarixii Saaka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.
Afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan ayaa qirtay in Qarax Miino uu haleeyay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo ku socdaalayey duleedka magaalada Kismaayo, balse wuxuu beeniyay inuu wax qasaare ah soo gaaray ciidamadooda.
“Waxaa jira warar la wareejinayo oo ku saabsan in ciidamo Mareykan ah dhaawcameen, Wararkaasi ma aha kuwo sax ah” ayuu yiri Afhayeenka Mareykanka oo jawaabta Email ugu diray Warbaainta VOA.
Alshabaab ayaa goor sii horeysay maanta shaacisay inay Qarax Miino la beegsadeen Kolonyo ka kooban ciidamada Danab iyo Mareykan, ayna gaarsiiyeen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.