Taliska ciidmaada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa shaaciyey in taliyahooda General Stephen Townsend uu kulan magaalada Muqdiho, kula yeeshay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Qoraalka AFRICOM ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay ksoo dhamaatay doorashada Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii AFRICOM ay ula shaqeyn lahayd Ciidamada Xoogga dalka (SNA), si loo gaaro mustaqbal nabad iyo ammaan ah oo ay mudan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida lagu xuray qoraalka.
Kulanka ayaa dhacay shalay 21-kii May 2022, mana jirin wax war ah oo kasoo baxaya xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana kulanka ku wehliyey Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Taliyaha iyo safiirka waxay dhowaan tageen magaalada Hargeysa ee maamulka la baxay Somaliland, halkasoo ay kula kulmeen madaxweyne Muuse Biixi.