Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa war qoraal ah kasoo saaray duqeyntii saddexaad oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku qaadeen degaan ka tirsan Gobolka Mudug.
Weerarkan ayaa ka dhacay  Quy Cad oo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana war-saxaafadeedka AFRICOM lagu sheegay in iyagoo kaashanaaya dowlada federaalka inay duqeyn cirka ah ku dileen 7 ka mida maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dhinaca akle war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.
“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug. Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Argagixisada Shabaab. Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.
Mareykanka ayaa sii xoojiyey duqeynta cirka ah ee uu ka wado qeybo ka tirsan Gobolka Mudug, gaar ahaan agagaarka degmada Xarardheere.