Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorrre oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho laga kaxeystay ciidamadii ilaalada u ahaa.
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Xildhibaanka ay kulmeen dhowr todobaad ka hor, isla markaana uu aad uga walaacsanaa xaallada amnigiisa, isagoo ka tirsanaa xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD.
“Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor, wuxuu ka walaacsanaa Amnigiisa gaarka ah maadaama Taliska Ciidanka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahaa.. sida uu ii sheegay”ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.
Mas’uuliyiinta xisbiga UPD ayaa tacsidooda ku daray in xildhibaanka la dilay uu ka tirsanaa xisbigooda, waxaana muuqata inay dilkisa dusha u saarayaan dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.