Sunday, January 26, 2025

Taliska Booliska oo War kasoo saaray Sadexdii Qof ee Gadiidka AMISOM ku dileen Ceelasha Biyaha.. (Akhriso Magacyada)

Taliska Booliska ayaa war kasoo saaray shil dhowaan ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho oo ciidamada Gaadiid ay wateen AMISOM ku jiireen Mooto ay wateen saddex qof oo halkaasi ku dhintay.

Taliyaha qeybta nabadgelyada waddooyinka Je . Maxamed Yuusuf Cumar (Madaalle), ayaa shaaciyay inay gacanta ku hayaan Kiiska shilkaasi oo ay Ciidanka AMISOM Gaari jiirsiiyeen Saddex muwaaddiniin Soomaaliyeed oo magacyadooda kala yihiin: Alifle C/shakuur Bootaan Cabdille oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta, C/qaadir Xuseen Cali, oo ka tirsanaa CXDS iyo wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray, Dalmar Jeylaani Abuukar Cabdi.

Gen. Madaalle ayaa sheegay in Baabuur nooca gaashaaman ah oo ay lahaayeen AMISOM uu jiiray Marxuumiinta, laakiin Mooto kale oo ay la socdeen xubno ka tisan Ciidamada Qaranka ay fududeysay in shilkaasi laga helo xog badan oo ku filan Dadka Soomaaliyeed ehelada dhibbanayaasha.

Ad

Taliyaha caddeeyay in Ciidamada AMISOM ay qaateen mas’uuliyadda shilkan, isla maraana ay u hoggaansamayaan sharciga, dowladuna ku howlan tahay sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen dhibbanayaasha iyo Eheladoodaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON