Sunday, January 26, 2025

Taliska Booliska oo shaaciyey in la qabtay Keydkii Hubka ee Alshabab ku lahayd duleedka Muqdisho…

Taliska Ciidamada Booliska ayaa shaaciyay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen God ay hubka ku keysadaan Alshabaab oo ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada amniga ay soo qabteen hub aad u fara badan oo lagu aasay God weyn oo ku yaalla Ceelasha Biyaha, kaasoo isugu jira Suumanka qarxa, Rasaas, Bambooyin, miinooyin, maadooyinka qaraxyada laga sameeyo, hubka fudud iyo midka culus.

Wararka ayaa sheegaya in keydka hubka u ahaa keyda ugu weyn ee Alshabaabka ka howlgala Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay adeegsadaan. Waxaa kaloo Gen. Zakiya ay sheegtay in gobolka Sh/hoose laga soo qabtay kooxo Alshabaab ah iyo mid ka mida dadka qaraxyada ku xira Gaadiidka.

Ad

Lama bixin faahfaahin kale io muuqaalka hubka la sheegay in lasoo qabtay ee faraha badan, waxaana la sugayaa in loo bandhigo saxaafadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON